Madaxweynaha PL iyo Madaxwaynaha DFS oo kulan La qaatay ardayda Jaamacadda Bariga Africa .[Masawiro]

January 9, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-2018 hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax kabarta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland .

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa Jiilka hada talada haya.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliy Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isaguna ardayda uga sheekeeyey muhiimadda wax-barashadu leedahay isagoona xusay in waqtigiisa inata badan uu siindoono wax_barashada si looga baxo dhibaatooyinka dalka kajira.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxa ay soo kormeereen Cusbataalka guud ee magaalada Garoowe waxayna halkaas kula kulameen hawl-wadeenada cusbataalka ,isla markaana waxay mid mid u booqdeen qaar ka mid ah bukaanada jiifa cusbataalka 

Ugu danbayn Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay hawgooda ku booqdeen qaar ka mid ah isimada Puntland waxaana ka mid ahaa islaan Ciise Isalaan Maxamed, Suldaan Sidiid Maxamed Garaase iyo Garaad Salaymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud .

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online