Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo kulan la qaatay Xukuumadda Puntland.[Masawiro]

January 7, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdy tahay 07 January 2018 ka qayb galay kulan wadatashi ah oo udhexeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland. Madaxwaynaha aya waxaa kulanka wada tashiga ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, golayaasha dawladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Kullankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyadda Puntland waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah, waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somali airline.

Sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

Ugu danabayn madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa inta uu joogaan caasimadda dawladda Puntland waxaa uu kualamo laqaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada .

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online