Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

January 28, 2018 - Written by Editor

Addis Ababa:– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu ka qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Dowladdu ka sameysay dhinacyada siyaaadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sii xoojinta dib u heshiisiinta iyo xasillina dalka, isaga oo intaas ku daray Madaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay dardargaliso caawimaadda ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa isla soo qaaday meesha ay mareyso u diyaarinta ciidamada Soomaaliya in ay amniga dalka la wareegaan , Xoghaye Guterres ayaana qiray in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku hallayn karo oo u baahan in la taageero oo kaliya , waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobay ay gargaar dhinaca bini’aadanimada ah gaarsiin doonto Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online