Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Midowga Afrika (Masawiro)

January 28, 2018 - Written by Editor

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyey Madaxweynayaasha kasoo qeyb galay shirka, isagoo sidoo kale bogaadiyey hiigsiga Afrika ee sanadka 2063, kaas oo isku xiri doona Afrika, una yeeli doona awood dhaqaale iyo mid horumar.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxda Afrikaanka ah in Dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen Sharciga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, adkeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta Dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kale ka jeediyey shirka dib-u-qaabaynta Ajendaha Midowga Afrika, wuxuu caddeeyey Madaxweynuhu in Soomaaliya taageersantahay dib-uqaabayn lagu sameeyo Ajendayaasha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay taasi caddaynayso ka dhab-ahaanshaha Ururka ee xaqiijinta Hiigsiga 2063, taas oo keenaysa isdhexgalka iyo horumarka Bulshada Afrika.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online