Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq (Masawiro)

January 22, 2018 - Written by Editor

Caabudwaaq:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Kaddib is xog wareeysi ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada Caabudwaaq iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen sidii loo yagleeli lahaa guddi ka shaqeeya nabadeynta iyo wadashaqeynta odayaasha dhaqanka magaalada Caabudwaaq iyo deegannada hoos yimaada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada deegaanka, isagaoona ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin joojinta coolaadaha iyo khilaafaadka hareeyay nolasha iyo horumarka bulshada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan idiin wadnaa fursad aad ka faa’iideysan kartaan. fursaddaasi waxa ay tahay inaan idiin keenno adeegyadii ay magaalada u baahnayd, adeegyadaasna ma imaan karaan haddii ay magaaladan kala qeybsantahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

—-DHAMMAAD—–

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online