Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub (Masawiro)

January 28, 2018 - Written by Editor

Addis Ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub.

Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online