Madaxweyne Farmaajo oo socdaal u kuur gelid ah ku maraya qeybo ka mid ah gobollada dalka

January 7, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online