Nadwo cilmiyeed diini ah oo si rasmi ah uga bilaabtay magaalada Kismaayo.[Masawiro]

January 15, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Waxaa maalintii shalay salaasii casar ka dib ka bilaawday magaalada Kismaayo ee xarunta jubada hoose Nadwo diini ah oo ay ka soo qayb galeen culimo’udiinwaaweyn oo kala kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya. Nadwadaan diiniga ah ayaa waxaa culimada ku soo dhaweeyey Sh.Cabdirashiid Weli ibraahim oo ah Gudoomiyaha Mu,asasada Ummah ee Kismaayo, waxaa kale oo hadlay soo dhaweyn ah jeediyey arday wax ka barata skuulada ku yaal magaalada Kismaayo iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Jubaland.

Intaas ka dib ayaa waaxaa hadalka qaatay Diktoor Cabdiraxmaan Baarakallah oo soo koobay u jeedada Nadwadaan diniga ah iyo culimada ka soo qaybgashay sida ay ugu diyaarsan yihiin in shacabkooda ka ha qabtiraan baahidooda diinta inta Mu,tamarka socdo.

Culimada ayaa waxaa isla habeenkiiba ay muxaadaraad kale duwan ka galeen masaajidda kala duwan ee ku yaal magaalada Kismaayo waxaana Masjidka Jaamacul Qadiim muxaadaradii ugu horaysay ka jeediyey Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha culimada Soomaaliyeed waxaan uu muxaadaradiisa ugu hadlay ( Macnaha ay leedahay walaalnimada Imaanka ku salaysan).

Muxaadarada Sh Bashiir Axmed salaad markii ay dhamaatay ayaa waxaa kalimada tacliiqa jediyey Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo aad ugu dheeraaday waxyaabaha xoojinaayaa walaalnimada islaamka iyadoo arrinkaas uu sii xoojiyey Sh Dr,Haaruun Xuseen kana digay waxyaabaha Fasaadiya walaalnimada islaamka.

Culimada ayaa saaka waxaa ay muxaadaraad kale duewan ay ka jeediyeen Ilaa shan Iskuul Hoose dhexe iyo sare, Khaalid bin waliid waxaa kalimada ka jeediyay Sh.Abuu xasaan Ganaane waxaa ka soo jeediyay Sheekh Cabdinaasir Xaaji axmed, Jubba waxaa ka soo jeediyay Sheekh Axmed Cabdisamad, Axmad bin xambal waxaa ka soo jeediyay kalimada Sh. Mukhtaar Axmed Faarax,Farjano waxaa kalimada ka jeediyey Sh. Muxamed Macalim Axmed

Waxaa kale oo ay culimadu muxaadaraad kale duwan ka jeediyeen Radio Xikmaha oo uu ShAxmed Cabdisamad ka jediyey halka TVga Jubaland uu muxaadaro gaar ah ka jeediyey Sh.Abuu Xasaan. Duhurkii ka dib waxaa kalimaad laga soo jeediyay ilaa 6 masaajid oo magaalda ah si deg edeg ah waxaa muxaadaraad kala duwan ka jeediyey Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed halka masjidka Rowdah Baajuunta uu darsi kooban oo walaalynta ka jeediyey Sheekh Axmed Cabdiamad.

Isla duhurkii waxa Masjidka Cusmaan bin cafaan waxaa ka soo jeediyay Kalimad Sheekh Abuu xasaan, Masjidka Xaaji jaamac waxaa ka galay kalimad Diktoor Haaruun,Masjidka Xamsa waxaa ka galay kalimadii duhurka ka dib Diktoor Cabdiraxmaan Baarakallah, Masjidka Taqwaa waxaa ka soo jeediyay Sheekh Muxamed Macalim.

Dhinac kale waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo Sh Maxamed Umal oo qayb ka ah Mu,tamarka iyo Barnaamijta Culimada waxaana loo soo dhaweeyay si aad u qurux badan sidoo kale waxaa manta Culimada oo qado u sameeyay Rugta ganacsiga Jubaland oo ganacsatada jubaland ku kulan sanyihiin Waxaana ay aad u soo dhaweeyeen culimada iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dacwada hiil iyo hooba waxaana kalimaad waano iyo mahadnaq isugu jirta xaflada ka jeediyay Sheekh Bashiir, Sheekh Umal, Sheekh Cabdinaasir iyo Diktoor Baarakallah.

Caawa bacdal maqrib waxaa jiro doona Nadwo wayn oo Sheekh Umal iyo Diktoor Baarakalah ay ka qaybqaadan doonaan insha Allah Waxaana dadka looga jawaabi doonaa su,aalihii xalay ay soo gudbiyeen hadii Allah yiraahdo.

Mu,asasada Ummah
ee Kismaayo,

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online