Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo Qado sharaf u Sameeyay Wafdiga Madaxweynaha JFS (Masawiro)

January 8, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha dawladda DF ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weliba Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxaa maanta 08 january qado sharaf u sameeyay islaan Ciise islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada gobolka Nugaal.

Qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb glay wasiiro, xildhibaano katirsan dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntlnd.

Munaasabadaan qado sharafta ah ayaa waxay isimada gobolka Nugaal kusoo dhawaynayeen Madaxwaynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo wefdigii ku wehelinayay safarkiisa uu ku joogo magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa uga mahad celiyay isimada Puntland casumaada ay usameeyeen isimada Puntland gaar ahaan isimada gobolka Nugaal .

Ugu danbayn Madaxwaynaha Dawladda federaalka ee soomaaliya oo labadii maalmood ee danbaysay ku sugnaa Puntland ayaa waxaa uu maalmahan soo socda sii joogi doonaa Puntland isaga oo safar ku tagi doona qaar ka mid ah gobolada Puntland.

.-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online