R/W ku xigeenka JFS oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Soomaaliya

January 24, 2018 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khader) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan Bille ah oo looga hadlo horumarinta iyo qiimaynta mashaariicda ay fuliyaan ha’ayda deeq bixiyayaasha ah ee Caalamka. Waxaana ka soo qayb galay xubno ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Madaxka socotay Maamul goboleedyadda, dhamaan hay’adaha deeq bixiyaasha iyo Hay’adaha UN-ka ee Bankiga aduunka.

Shirkan ayaa la isku waydiiyaa howlaha u qabsoomay dawladda Soomaaliya, waa side habka ugu haboon ee loo cawin karo shacabka Soomaaliyeed iyo barnaamijyo nooceeya ay dadka Soomaaliyeed, si iskood ah u qabsadeen kuwaas oo dhiirigalin mudan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay mid lagu qiimeyo hay’addaha ay wada shaqaynta kala dhxayso Soomaaliya, la iskuna waydaarsado qorshayaasha laga fulinayo dalka, sidoo kalena lagu ansixiyo mashaariicaha waawayn ee laga hirgalinayo wadanka. Waxuuna u mahed celiyay dhamaan dawladaha iyo hay’adaha ka qayb qaata dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena ka fuliya howlo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

 

“Xariir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya dawladaha caalamka ee ay wadashaqayntu naga dhaxayso, dawlada federaalka ahna shaqooyinka ay qabatay aad ayay ugu aamaaneen, meel fiican ayuuna marayaa waxqabadka sanadkii la soo dhaafay. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ka soo qayb galayaasha shirka oo u badnaa xubno matalayay Hay’ado caalamiya ayaa soo dhaweeyay horumarka uu ku talaabsaday dalka Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, waxayna cadeeyeen in sanadka cusub ay Soomaaliya ka hirgalin doonaan mashaariicyo badan, kuwaas oo ka qayb qaadanaya kocobaco dhaqaalaha iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) Wasiirka Amnigga, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Wasiirka Kullumaysiga Cabdiraxmaan Maxamed Abdi,ayaa dhankooda madahsa ku soo bandhigay howlihii ugu muhiimsana ee ay Wasaaradahooda qabteen sanadka, iyagoona tilmamay in qorshayaal muhiim ah ay dajiyeen, si loo fuliyo sanadkan bilowga ah.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online