Ra’iisul wasaare Khayre oo xilkii ka qaaday Wasiirka arrimaha gudaha ,kan dibada iyo wasiirka ganacsiga

January 4, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:-

1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha.

3. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:-

Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;
Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;

–DHAMAAD–

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online