Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen 2 Sarkaal oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

January 10, 2018 - Written by Editor

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ahaa sida ay sheegeen saraakiisha Danab mid qorsheysan mudana laga soo shaqeynayey ayaa waxaa lagu bartilmaameystay sarakaal u qaabilsanaa tababarka kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Zubeyr Almuhaajir oo ay kooxda Al-Shabaab horey u xireen .

Zubeyr Almuhaajir ayaa waxaa uu ka qorey kooxda Al-Shabaab kutubo kala duwan oo uu ku dhaliilayey hogaankii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane .waxaana ka mid ahaa kutubta uu ka qorey.

1-Halkan ka Akhriso Kitaabkii uu ku dalbanayey Abu Zubeyr Muhaajir in la maxkamadeeyo Axmed Godane Amiirkii hore ee Al-Shabaab
Saraakiisha Danab ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen sarkaal kale oo lagu magacaabo Macalin Cumar oo la socday Zubeyr Almuhaajir.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka u xaqiijiyay dhismasha Labada sarkaal.

Ciidamada kumaandooska soomaaliya ee Danab ayaa dhowr mar sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana ka mid ahaa gudoomiyihii kooxda Al-Shabaab Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) waxaana dilkiisa xaqiijiyey Al-Shabaab.

Sheegashada saraakiisha Danab in ay dileen labada sarakaal ee ka tirsan Al-Shabaab ee kor ku xusan ma jirto ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya

Kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah ka soo saarin in la khaarajiyey labada sarkaal ee Zubeyr Almuhaajir iyo Macalin Cumar .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online