Wasiir Juxaa oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey

January 4, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada madax weynaha JFS ee Puntland, idaacaddaha ka ogaaday in xilkii la iga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.

Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka cusub, waana u ducaynayaa in Ilaah shaqada ku asturo.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, danteenuna waa isku tolan tahay, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.

Raali gelin iyo cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba, idinkuna waxaa idinka codsanayaa inaad i cafisaan, mar walba waxaa iga go’an inaan dalkeyga iyo dadkeyga u shaqeeyo. guul iyo gobonimo.

Waa farin qoraaleed uu wasiir juxaa ku faafiyey barta uu ku leeyahay Facebook

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online