Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka

January 24, 2018 - Written by Editor

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in mudnaanta 1aad ee Wasaaradda xilligan ay tahay sidii loo dhisi lahaa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inay nidaamiso isgaarsiinta dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta, shirkado la-talin iyo Kooxda Hawl-fulinta oo loogu talo galay inay taageero farsamo ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’addii ugu horreysay ee nidaamisa isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka bishii Oktoobar 2017, ay Wasaaraddu ka dalbatay Bankiga Adduunka taageero farsamo oo lagu dhisayo Hay’adda, iyadoo Bankigu uu gacan ka geystay in la hawl-geliyo khubaro Wasaaradda kala talin doona sida ugu habboon ee lagu dhisi karo Hay’ad nidaamisa, isla markaana horumarisa isgaarsiinta dalka.

“Waxaad haysataan fursad naadir ah oo aad ku aasaaseysaan hay’ad cusub oo aysan xannibeynin caqabadaha maamul ee haysta hay’adaheena dawladeed ee hore u jiray. Waxaad mas’uul ka tihiin guusha ama guul-darrada hay’addan cusub, waxaana idinku adkeynayaa inaad sameysaan wax kasta oo awooddiina ah – qof qof iyo koox ahaanba – oo aad dalka ugu aasaaseysaan hay’ad sharaf iyo awood leh,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh dhismaha hay’addan laga doonayo in ay ka soo dhalaasho kaalinteeda kaga aaddan dhismaha hay’addan cusub. “Waxaan dooneynaa inaan dhisno hay’ad tusaale u noqota oo ay ku daydaan hay’adaha kale ee dawladeed” ayuu intaasi ku daray.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo taageero farsamo u fidinaya dhismaha Hay’addan Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana marti-geliyay aqoon-isweydaarsigan.

————DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online