Ciidanka Dowladda Federaalka oo Shabaab ka Qabsaday Fariisimo (Dhageyso)

February 12, 2018 - Written by Editor

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay saaka weerar ku qaadeen degaanno ay hore ugu sugnaayeen kooxda al-Shabaab, kuwaas oo dhinaca galbeeed ka xiga degmada Afgooye.

Wararka aynu ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ciidamadan dawladda Soomaaliya ay qabsadeen degaanka Mubaarak, Sabiid, Mareeray iyo weliba Awdheegle, welina uu hawl-galku socdo. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi sababay.

Ciidankan waxaa la sheegay inay iskugu jiraan ciidamada milatariga Soomaalida iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Warar aysan weli saraakiisha Soomaalidu xaqiijin ayaa sheegaya in ciidankan ay weheliyeen la-taliyayaal ajaanib ah inkastoo aan si madaxbannaan taais loo xaqiijin.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay ciidanka dawladda Soomaaliya ay qabsadaan degaannadaas, iyagoo dhowr jeer oo hore tagay kidibna dib uga soo gurtay.

Saraakiisha dawladda ayaa hawl-galkan ku macneeyey mid lagu bur-burinayo fadhiisinka iyo tasiilaadka ay al-Shabab ku leeyihiin degaannadaas.

Hawlgalkan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay gudodomiya gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax.



VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online