Doonta Al-xafiis oo ku caaridey xeebta Bosaaso oo Agabkii saarnaa laga dejinayo.[Masawiro]

February 16, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa saaka la bilaabay in rarkii saarna laga dejiyo doonta Al-xafiis oo ku soo caarisay meel aan sidaas uga fogayn dekkada weyn ee Boosaaso ka dibna culimada , aqoonyahanka iyo ganacsata iyo shacabka oo isku duuban ay bilaabeen dhismo dekkada macmal ah oo la doonayo in lagu badbaadiyey agabka kale duwan ee saarnaa donta alxafiis

Dadaalkaan ayaa waxaa wada Culimada, Ganacsadata , Aqoon yahanka iyo dhamaan bulshada qaybahed kale ee ku dhaqan magaalada Boosaaso waxaan ay hiil iyo hooba u horeen sidda lagu badbaadin lahaa doonta Al-xafiis oo agabka saran lagu qiyaasay 7-8 Milyan oo doolar.

Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Shekh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howshii dekkada macmalka ay guul ku soo dhamaatay haddana laga dejinayo agabkii saarnaa doonata waxaan uu mahad balaadhan u jeediyey ganacsata , culimada iyo aqoonyanka iyo bulshada reer Boosaaso oo si isku duuba ugu gurmada in agabka saaran doonta al-xafiis si nabad gelyo ah looga soo dejiyo.

Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Sh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur ayaa ku amaanay ganacsatada , culimada ,aqoon yahanka iyo weliba cidanka amniga sidda wanagsan oo howsha looga wada qayb qaatay ayna taas tusinayso haddii la midoobo in wax walba ay bulshadu qaybsan  karto.

Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Sh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur ayaa sidoo kale sheegay in wax laga yeelayo dekkada ay ka wada tashan doonaa dowladda iyo maamulka Gobolka bari balse dadaalka ay bixiyeen uu noqon doona mid midha dhala u ah shacabka iyo dowladdaba.

Dhinac kale markii la bilaabay in agabka laga dejiyo doonta al-xafiis ayaa waxaa goobta ku sugnaa wasiirka dekkada iyo kaluumaysiga Siciid Raage, maamulka Gobolka Bari iyo masuuliyin kale.

Dekedan macmalka ah ayaa lagu dhisay hab iskaa wax u qabso ah, waxaan arrin taas hormuud u ah ganacsadata , culimada iyo aqoon yahanka reer Boosaaso oo gacan ka hellaya guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online