Doonta Al-xafiis oo la filayo in rarkii saarnaa laga dejiyo maalinta beri ah.[Masawiro]

February 14, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa ilaa mudo 7 cisho ah ka socda magaalada Boosaso dadaal balaadhan oo lagu dhisayo Dekedda macmalka ah oo la doonayo in lagu badbaadiyo doon weyn oo sidda agab kale duwan oo ku soo caariday meel aan sidaas uga fogayn dekkada weyn ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dadaalkaan ayaa waxaa wada Culimada, Ganacsadata , Aqoon yahanka iyo dhamaan bulshada qaybahed kale eek u dhaqan magaalada Boosaaso waxaan ay hiil iyo hooba u horeen sidda lagu badbaadin lahaa doonta Al-xafiis oo agabka saran lagu qiyaasay 8 Milyan oo doolar.

Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Sh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howshu tahay gabagabo dhawaan ay bilaabi doonaa in doonta ay ka dejiyaan agabka saaran isagoona ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan in hwsha Alle u fududeeyo.

Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Sh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur ayaa ku amaanay ganacsatada , culimada ,aqoon yahanka iyo weliba cidanka amniga sidda wanagsan oo howsha looga wada qayb qaatay ayna taas tusinayso haddii la midoobo in wax walba ay bulshadu qaybsan  karto.

Dekedan macmalka ah ayaa lagu dhisay hab iskaa wax u qabso ah, waxaan arrin taas hormuud u ah ganacsadata , culimada iyo aqoon yahanka reer Boosaaso oo gacan ka hellaya guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hoos ka daawo Gudoomiyaha badbaadada doonta doonta Al-xafiis Sh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online