Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta

February 19, 2018 - Written by Editor

Shirka Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta.

Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha, iyadoo dood dheer kadib ay golluhu meel mariyeen sharciga shirkaddaha Soomaaliya, waxaana uu fududeyn doonaa Nidaamka Diiwaangelinta shirkaddaha dalka ka howlgala iyo habka maalgashiga dalka.

Sidoo kale, shirka gollaha ayaa lagu meel mariyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

 

Gabagabadii kulanka ayaa looga hadlay ansixinta magacaabista Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana loo magacaabay Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmad, waxayna hay’addani ka shaqeyn doontaa dhaqangelinta sharciga Isgaarsiinta iyo horumarinta Nidaamka guud ee Isgaarsiinta dalka.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online