Madaxweynaha Dawladda Puntland oo qaabilay Wafdi ka socdey Dawladda Masar iyo DFS.[Masawiro]

February 28, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 28 Feb 2018 waxaa uu qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabiley wafdi balaaran oo uu hogaaminayey wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo qunsulka safaarada masar ee Soomaaliya Taamir Safwat.

Wafdigaan balaaran ee maanta soo gaaray Puntland ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka socotey Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Madaxa mashaariicda  beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur- Khabiir Biyaha iyo Deegaanka.

Madaxweynah Dawladda Puntland oo kulan gaar kula qaatay xafiiskisa wafdigaasi marka ay soo gaareen qasriga madaxtooyada, ayaa kulankaas waxaa kala qayb galay Wasiirka Deegaanka Puntland, Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Qunsulka Dawladda Masar ee Soomaaliya mudane Taamir Safwat ayaa uga mahad naqay Dawladda Puntland sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay caasimada Puntland islamar ahaantaana sheegay inuu salaan uga wado dawladdiisa Madxweynaha Dawladda Puntland, sidoo kalana sheegay in Dawladda Masar ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic horu marineed Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin horu marinta beeraha, daaweynta xoolaha, Kawaano casriya, biyo xireeno, taba baro iyo waxbarshada beeraha.

Dhinaca Kale Madxweynha Dawladda Puntalnd  ayaa uga mahadnaqey qunsulka Dawladda masar iyo masuuliyiinti kale ee ka socotay Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar booqashada ay ku yimaadeen Puntland, sidoo kalena tilmaamey in Dawladda Puntland ay Dawladda Masar iyo wasardda beeraha ee dalkaasi Masarba ay ku soo dhaweenayaan maal gashiga Puntland iyo horu marinta  wax soo saarka Beeraha Puntland, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer guuraaga iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qunsulka Dawladda Masar iyo wafdigii la socdey ee ka socdey Wasaaradda Beeraha ee Masar kula dar daarmey iney Puntland wax kala qabtaan nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, daaweynta iyo nafaqeynta xoolaha, ka hortaga abaaraha iyo sidii mar kasta dadka abaaruhu aafeeyaan loogu gurman lahaa.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA  HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online