Madaxweynaha Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe (Video)

February 14, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Galabta 14 Feb 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse  ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey  Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland,  iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya,oo uu kaga qayb galay magalada muqdisho casimada DF Soomaaliya,  shirkaas uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaadey guul,  waxaa kaluu madaxweynuhu sheegay inay isku af garteen madaxda qaran ka soomaliya islamar ahaantana maxsuul wanagsani ka soo baxay.

“Waxaa sharaf weyn noo ah inaa dib ugu soo laabano magalada Garoowe anagoo in mudo ah xamar ugu maqneyn ka qayb galka shirka amniga qaranka oo y isugu yimaadeen madaxda DF Soomaaliya iyo madaxda Dawaladaha xubnha ka ah DF Soomaaliya, loogana hadlayey arrimo muhiim u ah xasilinta, xoreynta iyo dib u habeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, Aydoo ay ka soo bexeen go’aamadii la soo saaray 10 Feb 2018 iyo waxyaaba kale oo wadanka masiirkisa muhiim u ah oo ay ka mid ahyd qaybsiga khayraadka dalka iyo anagoo ku saxiixnay  hishiis kumeel gaara kaluumaysiga dalka sidii khayraadkiisa looga faa idaysan lahaa kaas oo muhiim u ah geedi socodka hormarka dalka shirkaasina waxaa uu ku soo dhammaaday guul sida aad la wada socotaan”

 Waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkii oo nabada oo xasiloon oo aan wax dhiba ka jirin, waan bogaadinaya Boosaaso dawalad iyo shacaba siday ugu gurmadeen doonti caariday iyo waanaga ay ku dhawdahay inay ku dhamaato waxayna ka turjumaysaa isku tashiga Puntland, aad ayaan u bogaadinayaa madaxada sii joogtay dalka wanaaga, hormaraka, iyo adkeenta dawladnimada iyo amniga Puntland ka sii shaqeeyay aad iyo aad ayeey u mahadsanyihiin” ayuu yiri  Madaxweynha dawaladda Puntland.

Ugu danbayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online