Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Jaamacadda Boosaaso

February 25, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 Feb 2018 ka qayb galay xafladda qalin jebinta ardayda Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, ardaydaan maanta qalin jebisay oo ah dufcaddii 1 aad ee ka baxda Jaamacadda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabacday ardaydaasi.

“Aaad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa marti qaadka aad nagu marti qaadeen xalfadan farxada badan quruxda badana, waana ka mahadnaqeynaa intii soo abaabushey iskuna xilqaantay, waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay halsano ka hor markaanu xagaan dhagax dhignaey farca jaamacadda Boosaaso ee Garoowe, halsano kabacdi qalin jibin iyo jaamacaddii oo dhameystiran inaan maanta iskugu nimid waan ku bogaadinaya maamulka jaamacadda Boosaaso, Marka ugu horeysa waxaan u hambalyeenayaa dhalinyarada Gabdho iyo Wiilal ba leh ee maanta ka qalinjibiyey jaamacadda waxaan idin leeyahay hambalyo,”

“Waxaad sameyseen juhdi tirabadan, soojeed tiarabadan, wal-wal imtixaan maanta waa maalin farxadeed oo ah qalin jibin tiinii, waan bogaadinayaa dedaalka aad sameyseen iyo guusha aad gaarteen waxaan mar labaad idin leeyahay hambalyo, waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa waalidiintii idinku soo tacbay, idin soo bar baariyey heerka aad maanta joogtan idin soo gaadhsiiyey waxay mudan yihiin bogaadin iyo amaan, anagoo og duruufaha ay idinku maal galiyaan mararka qaar dhibka ay ka marayaan inaad wanaagsanaataan, mustaqbal yeelataan dalka iyo dadkaba aad anfacdaan aad iyo aad ayeey u mahadsan yihiin walidiintaas, ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee jaamacadda Boosaaso faraceeda magaalada Garoowe ay ka hir galisey dhawaantan caasimada Puntland, isla mar ahaantaana uu madaxweynuhu dhagax dhigay.

—DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online