Puntland oo sii daysay Maxaabiis ka tirsanaa Al-shabaab ee oo lagu hayey guri ku yaal Garoowe

February 27, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Warar soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ay jiraan dagaalyahanadii ururka al-shabaab ee lagu qabtey dagaalkii ku dhexmaray Puntland iyo Shabaab deegaanada Suuj, Garmaal iyo Garacad in mudo ahna lagu hayey guri ku yaal Garoowe oo ay maamulay say hay’adda UNICEF si xeeladaysan lagu kala iibsaday lana siidaayey.

Ma cadda ilaa hadda tirade rasmiga ah ee ka tirsanaa Al-shabaab ee laga sii dayeey guri lagu baxnaaninayey loona bixiyey Safe House oo ku yaalay magaalada Garoowe balse wararka hordhac ah ayaa sheegay in ay ahaayeen 10 -13 xubnood, wararka suuqa lagu shaaciyey ayaa sheegay in la qabtay 6 xubnood ee la sii daayey ka dib markii aysan iyagu ahayn dadka deegaanka ,walow warar kale ay sheegayaan in u jeedka laga lahaa sii daynta ay ahayd oo kaliya  4-3 xubnood oo muhiim u ah Ururka shabaab sidda aan ka soo xiganay masuul isagu si fiican u odorasa howl galada Al-shabaab.

Guriga loo bixiyey Safe House ee lagu hayey xubno ka tirsanaa Al-shabaab laguna soo qabtay dagaaladii ka dhacay Suuj , Garmaal iyo Garacad ayaa waxaa qandaraas ku qaatay dowladda Puntland waxaan lacagaha bixinayey Hay’adda UNICEF ee ka howl gasha deegaanada Puntland gaar ahaan Garoowe.

Maxaabiista lagu qabtay dagaalkii ku dhex maray Suuj , Garmaal iyo Garacad Al-shabaab iyo ciidanka Puntland ayaa qaarkood waxaa loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu sameeyey xarumo dhaqan celis wax ay ugu yeeraan ka dibna waxaa mud kooban laga sii daayey dhalinyaradii Al-shabaab sidda ay baahiyeen saxaafaddaha ka howl gala magaalada Muqdisho.

Dhinac kale ma ah markii ugu horaysay oo Madaxda Puntland ay lacag ka qaataan xubno ka tirsan Al-shabaab ka dibna laga sii daayey xabsiyadda ku yaal Puntland halka dhalinyaro qaar aan wax shaqo ah ku lahayn Al-shabaab ay ku xiran yihiin xabsiyadda ku yaal Puntland laguna doonayo oo kaliya in lacago is furasha ah laga qaato.

Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland oo Idaacaddaha ka howl gala Puntland gaar ahaan SBC ay xiriir la sameeyeen ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahn ka bixiyaan qaabka iyo sidda lagu sii daayey dhalinyaradii Al-shabaab ee lagu hayey Safe House ee ku yaalay Garoowe balse warar hoose oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in la xiray 10 askari oo ilaalo ka ahaa guriga Safe House ee lagu hayey xubnaha Al-shabaab.

Sii daynta la sii daayey dhalinyarada Al-shabaab ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Suuj . Garmaal iyo Garacad ayaa waxaa ay ku soo beegnaysaa xili shalay magaalada Garoowe uu soo gaaray Madaxa FAO Daniele Donati oo kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online