Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya.[Masawiro]

February 14, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee wadanka.

Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.

“Soomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad casriya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online