Senetor Cabdi Qeybdiid oo ku eedeeyey weerarka lagu qaaday hoygiisa Imaaraadka (Daawo)

February 3, 2018 - Written by Editor

Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta waxaa uu ku qabtay magaalada Muqdisho Shir jaraa,id isaga uga hadlay weerar lagu soo qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka lagu soo qaaday hoygiisa ay ka danbeeyeen  ciidamo ay tababaraan saraakiil ka socota dalka Imaaraadka oo ay xarun u tahay Dugsiga Tababarka Jen. Gordon .

Senetor Cabdi Qeybdiid oo sheegay inuu ka badbaaday Isku-day dil Cabdi Qeybdiid ayaa yiri “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga 30 bishii December 2017 waxaa la rabay in la igu khaarijiyo, Ciidamadana waxaa laga soo diray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo ay dowlada Imaaraadka maamulsho waxaana weerarka gacan ku siiyey ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ”

Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in saraakiisha soo amartay ciidamadii soo weeraray hoygiisa aan wali waxba laga qaban,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya arinkan wax ka qabtaan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online