Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo Muxaadaro kaga hadlay Xiisadda ka taagan Tukaraq.[ Video]

February 1, 2018 - Written by Editor

Laascaanood:-Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyed kuna nool magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa uu muxaadaro qiimo badan ka jeediyey masjid Jaamic Laascaanood waxaan uu Sheekhu cinwaan uga dhigay Aayada Quraanka ee ah وقفات مع قوله تعالى ” واتقوا فتنة لاتصيبن الذي ظلموا منكم خاصة” Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed in ay qayb ka noqdaan dagaal qabiil oo Somaali ay ka dhaxashay in ay lumiso midnimadooda iyo wada jirkooda.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa uga baaqay madaxda maamulka S/land iyo Puntland in ay ka fogaadaan colaad dhex dooda ka abuuranta arrintaas oo abuuri karta amni daro iyo nabadgelyo ay shacabka degan deegaanada 2 maamul ay ku nool yihin.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo aan haboonayan in colaad ka dhex abuuranto , Sheekha ayaa xusay in colaada iyo dagaalka qabiil aan lagu kala adkaan doonin oo Soomaali ay aqoon fiican ka korarsatay ka dib markii dowladdii dhex ay burburtay ka dibna dagaalo beeleedyo dhacay aan lagu kala adkaan balse ay dhaawacday midnimadii iyo jiritaankii umada Soomaaliyeed.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa xusay in aysan banaannay in xuduudo uu gumaysi sameeyey xuduudu laga dhigto ama lagu dood reer aan isku qabiil nahay baa degan taas oo laga leeyahay dano gaar ah oo lagu raadinayo dhaqaale ama arrimo siyaasadeed.

Hoos ka Daawo Sh Cabdinaasir X Axmed oo Muxaadiro Ka galay Xiisadda Ka taagan Tukoraq

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online