Shirkadda Golis oo soo bandhigtay qiima dhimistii Internet-ka Fiber Optic-ga

February 26, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa soo bandhigtay qiime dhimistii ugu balaarnayd ee ay ku samaysay Internetka laga isticmaalo moobeelada. Qiime dhimistan oo ah xirmooyin internet ah (Bundles) waxay u sahlaysaa macaamiishu inay helaan internet aad u xawaare sareeya oo uu qofku ku shubanayo hadba baahidiisu intay le’egtahay jeebkiisuna u saamoxo.

Xirmooyinkan oo isugu jira maalinle, asbuucle, iyo bil’le, ayaa macmiilku ku shubanayaa hadba xadiga uu doonayo, waxana talaabadan ay laabta u qaboojisay kumanaan kamid ah macaamiisha Golis kuwaas oo u hamuun qabay in loo jabiyo qiimaha ay ku isticmaalaan internetlka moobeelada.

Munaasabadda qiime dhimistan lagu soo bandhigayay oo ka dhacday hotel gacayte ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qayb galay qayabaha kala duwan ee bulshada Puntland sida ganacsato, culimo, dhalinyaro, aqoonyahan, masuuliyiinta dawladda heer federal iyo heer Puntland, siyaasiyiin iyo saxaafadda qaybeheeda kala duwan.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Telecom Somalia oo furay xafladda ayaa sheegay in bulshada reer Puntland ay maanta heleen fursaddii ugu waynayd oo ah in shirkadda Golis ay usoo bandhigtay qiimihii ugu jabnaa oo ah internet moobil lagu isticmaalo ee abid ay helaan isagoo xusay in qiimahan xitaa uu wax badan ka jabanyahay qaar badan oo ah wadamada caalamka.

Shiekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah madaxa suuqgaynta iyo xirirka dadwenaha shirkadda Golis ayaa isaguna sharaxay meelaha ay taabanayso qiime dhimistan isagoo sheegay in Tusaale ahaan 1 dollar hadii aad ku shubatid waxaad helaysaa 2Gb oo internet ah 2da dollarna waa 4Gb 3da Dollarna 6GB halka 5ta Dollar aad ku helaysid 15GB oo internet ah

Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed wacays Dhedo oo kalmadda qaatay ayaa uga mahadceliyay shirkadda golis qiime dhimistan oo uu ku tilmaamay mid anfacaysa guud ahaan bulshada isagoo xusay in shirkaddu ay wax badan oo kale ka qabato arrimaha bulshada sida musiibooyinka dabiiciga ah iyo arrimaha horumarka oo idil.

Qiime dhimistan ayaa ka dambaysay kadib markii ay shirkadda Golis Telecom Somalia keentay xarigga xambaara internetka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee la keeno deegaanada Puntland islamarkaana uu daahfuray madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online