War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland

February 1, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, sidii wax looga qaban lahaa khatarta kaallimaha shidaalka ee magaalooyinka waaweyn iyo Xeerka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Amniga Puntland.
Golaha xukuumadda ayaa shirkoodii maanta ku dheeraaday amniga iyo difaaca dalka iyo sidii looga sifeyn lahaa Puntland ururada argagixisada ah, golaha ayaa caddeeyay in amniga iyo difaaca Puntland ay yihiin muqadas, isla markaana laamaha amnigu ay si joogta ah uga hortagaan dhammaan kharaha dalka soo wajahan,

Sidii Wax looga Qaban lahaa Khatarta kaallimaha shidaalka ee Magaalooyinka Waaweyn.

Golaha xukuumadda ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dhimashadii iyo dhaawicii uu sababay dabkii ka qarxay kaallintii shidaalka ee Garoowe, waxayna goluhu sheegeen in ay horey dawladu uga soo saartay go’aamo ku saabsan ka hortaga qatarta kaallimaha shidaalka oo kusoo badanayay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay arintaan dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay ayna waajib tahay in si dhab ah looga hortago khatartaan, wuxuuna Madaxweynuhu ku dhawaaqay guddi wasiiro ah oo si dag dag uga hawl-gala waxka qabadka qatarta kaallimaha shidaalka iyo u-gurmadka dadkii wax-yeeladu soo gaadhay, guddigaan oo kala ah wasiirka Arimaha Gudaha, wasiirka Amniga, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Ganacsiga.
Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.
Golaha xukuumadda ayaa ka dooday xeerka shaqada iyo shaqaalaha Puntland dood dheer ka dib goluhu wuxuu dib ugu dhigay khamiista danbe.

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online