Warbixin Socdaalkii dacwada ee Culumada ku tageen magaalada Kismaayo (Masawiro)

February 4, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-13/01/2018 oo ahayd maalin Sabti ah waxaa Magaalada Kismaayo Gaaray Wafdi Culimo ah oo uu hogaaminaayay Sheekh Bashiir Axmed Salaad wafdigaa oo ka koobnaa.

1. Sheekha Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay,adda Culimada Soomaaliyeed.
2. Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed
3. Diktoor Cabdiweli Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf
4. Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
5. Sh. Maxamed Aadan Cabdile

Isla galabtii Sabtiga 13/01/ 2018 waxaa soo gaaray wafdi kale oo culimo ah oo uu hogaaminaayay Diktoor Haaruun Sh. Xuseen waxaana wehliyay Diktoor Cabdaraxmaan Sh. Cabdullahi Sh Cumar, Sheekh Axmed Cabdismad, Sh. Xasan Maxamed Ibraahim, Ustaad Mursal Xaashi Shirwac.

Waxaa magaalada horay u sii joogay oo gaaray 2 iyo sedex habeen ka hor Sheekh Maxamed Cabdicasiis Ducaale oo ka yimid Ugaandha iyo Sh. Maxamed Macalim Axmed oo asna ka yimid Boosaaso.

Waxaa isla maalintii talaadada 16/01/2018 soo gaaray Magaalada Kismaayo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka yimid xaga Nairobi

Maalintii Axada ahayd galabtii waxaa ka furmay Masjidka Jaamac Qadiim Kismaayo Mu,tamarkii 1aad oo diini ah oo kismaayo lagu qabto ama waxaad ku magacaabi kartaa Kulan cilmiyeedkii 1aad ee Kismaayo

Kulan cilmiyeedkaa oo ahaa nadwo culimada ka qaybqaadanaayeen ayaa waxaa dhex socday in laga jawaabaayay Su,aalaha ay dadwaynaha su,aalaayeen Culimada

Sidoo kale Kulan cilmeyeedkaa waxaa dhinac socday oo kale nashaadaad fara badan oo culimada ay ka wadeen magaalada oo dhan, sidoo kale nashaadkaa dacwiga ahaa iyo Nadwo Cilmiyeedkaa ka socday Masjidka Qadiim waxaa garab socday si xoog leh
Barnaamijka Walaaleenta iyo dabargoynta qabyaalada oo uu si gaar ah hoosheeda u hogaaminaayay Sheekh Axmed Cabdismad

BARNAAMIJTII BAXDAY OO KOOBAN

1. Isla maalintii axadda ahayd oo uu furmaayay galabteeda Mu,tamarka waxaa culimada qado u sameeyay Madaxwaynaha Maamul-Goboleedka Jubbalaan Mudane Axmed Maxamed Islaam, qadadaa oo ku ekeed isbarasho, soodhawayn uu madaxwaynaha ku soo dhaweeyay culimada Magaalada Kismaayo iyo Mahad-naq kooban oo ay Sheekh Bashiir iyo Sh. Cabdinaasir ujeediyeen Madaxwaynaha ayagoo afka culimada ku hadlaayay.

2. Nadwo cilmiyeedka oo cinwaankeedu ahaa (MU,MINIINTA AYAGA UNBAA WALAALA AH) إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ

Waxaa laga soo jeediyay 15 dersi oo hab nadwo ahaan u socotay habeen kastana waxaa mowduuc lahaa sedex sheekh oo culimada ka mid ah waxaana intaa dheeraa habeen kaste oo su,aalaha dadwaynaha laga jawaabaayay marka laga reebo habeenkii koobaad, galabtii furitaanka, iyo habeenkii khatimka oo isugu jiray dardaaran towjiih iyo su,aalo ka jawaabid Waxaana ay socotay Lix habeen

3. Culimada waxay ka jawaabeen wax ka badan 100 Su,aalood intii ay socotay Nadwada iyo muxaadarooyinkii kale ee culimada ay galaayeen su,aalahaa oo ahaa su,aalihii muhimka ahaa ee dadka anfacaayay ka jawaabidooda aduunyo ahaan iyo Aakhira ahaanba, waxaana su,aalahaa culimada ka soo dhex saareen 1000 su,aal ka badan oo la waydiiyay culimada

4. Waxaa qabsoomay laba muxaadaro oo u gaar ahaa dumarka oo ay kala galeen Sheekh Umal iyo Sheekh Mukhtaar ayadoo nadwada iyo muxaadaraadka kaleba dumarka raga la wadaagaayeen.

5. Waxaa la booqday ku dhawaad 10 iskuul oo culimada kalimaad safka uga jeediyeen ardayda iskuuladaa

6. waxaa culimada bixiyeen duruus idaacadda xikmah ee kismaayo ilaa 5 dersi oo toos u baxaayay

7. Waxaa culimada ay galeen 8 dersi oo Tviiga ahaa ayadoo duruusta qaar ay toos loo daawanaayay halka duruusta kale culimada laga duubay oo Tviiga uu soo daayay

8. Intii ay socotay booqashada culimada waxay galeen labadii jimce ay joogeen 16 khudbo oo u kala qaybsaneed jimcadii 19/01/2018 oo culimda ay galeen 10 Masjid khudbadooda, lix khudbana Culimada waxay ka galeen masaajidda magaalada Maalintii 26/01/2018 Maalintii Jimacada ahayd, khudbooyinkaa waxay ku saabsanaayeen inta badan walaaleenta iyo dabargoynta qabyaalada

9. Waxaa intii ay ku sugneed magaalada culimada ay booqatay intabadan macaahidda sharciga ah ee kismaayo oo 6 machad ahaa, waxaana culimada ka qaybgaleen Maalintii sabtida 20/01/2018 qalinjabin qaar ka mid ah ardayda machadka Sh. Maxamuud Macalim nuur oo ka dhacday Xarunta machadka ee iskuul Guulwade ayadoo ardaydaa qalinjabisay Shahoodooyinka uu gadoonsiiyay Sheekh axmed Cabdismad oo ah gudoomiyaha Raabidada Macaahida Sharciga Ee Soomaaliya

10. Waxaa kulan balaaran culimada ay la yeelatay ardayda macaahida sharciga ah ee kismaayo kulankaa oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal ka mid ah ardayda macaahidda ee kismaayo

11. Sidoo kale culimada waxay kulan gaar ah ay la yeesheen Maamulayaasha Macaahidda Sharciga ah ee Kismaayo

12. Waxay culimada laba kulan oo kale ay la yeesheen Madaxwaynaha Mudane Axmed madoobe, ayadoo kulamadaa culimada naseexo, talo iyo tusaaleba ujeediyay madaxwaynaha, madaxwayne Axmedna waxaa ay culimada ka dhagaysteen Xaaladda gobolada jubooyinka iyo guud ahaan xaalka Soomaaliya iyo sida uu uga soo raynaayo Guud ahaan xaalka Jubalaan, culimada waxay ku boorisay madaxwaynaha in uu ilaaliyo Midnimada soomaaliyeed, cadaaladana ku dadaalo kana shaqeeyo walaaleenta mujtamaca Soomaaliyeed

13. Culimada waxaa qado gaar ah u sameeyay laba jeer rugta gancsatada Jubbalanad iyo Maxjarka oo ay ku kulansanyihiin ganacsatada magaalada, kulamadaa oo culimada towjiih iyo wacyigelinba u jeediyeen Ganacsatada, waxaa kaloo culimada qado u sameeyay Jimciyadda Towfiiq oo dacwada iyo waxbarashada iyo samafalkaba ka shaqeesa.

14. Culimada waxaa qado u sameeyay isla markaana kulan balaaran ay la qaateen odayaal dhaqameedka Jubbalaan ee Kismaayo ku sugan ayadoo kulankaa uu qaatay saacado markii danbana culimada ay wada qadeeyeen Odayaasha qadadaana waxaa sameeyay Odayaasha Dhaqanka ee Jubbalaan qaybta ku sugan Kismaayo, Culimada waxay si qoto dheer ugala hadleen odayaasha Walaaleenta mujtamaca iyo dabargoynta qabyaalada iyo sidoo kale isku soo dhaweenta Mujtamaca soomaalida iyo in ay ku dadaalaan Cadaaladda iyo u garsoorka dadka ay mas,uulka ka yihiin

15. Sidoo kale culimada waxaa ku tageen booqasho dalxiis ah Magaalada Qadiimka ah ee Goobwayn gaar ahaan meesha wabiga iyo badda isaga daraan

16. Waxaa sidoo kale garab socday barnaamijtaa kulamo iyo duruus loo jeedinaayay si gaar ah Ducaadda ku sugan Kismaayo, ayadoo kulamo badan oo gaar ah la yeelanaayeen Culimada Ducaadda Magaalada kismaayo.

17. Sidoo kale culimada waxay si joogta ah ugu lahaayeen duruus kookooban masaajidda Magaalada bacda duhurkii, Culimadana waxay duruustaa ka galeen wax ka badan 20 masjid 20 dersi ayadoo intabadan culimada kalimaadkaa ay kawada qaybqaateen.

18. Sheekh Umal ayaa galay Sedex muxaadaro bacdal casar sedex masaajid oo kala duwan.

19. Barnaamijka wallaaleenta iyo dabargoynta qabyaaladda oo ahaa barnaamij balaaran oo dhinac socday nashaadaadka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Axmed Cabdisamad wax ku dhaw 10 kulan oo uu sheekh axmed iyo culimada kale ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka soo baxay in la dhiso hay,ad madaxbanaan oo ka shaqaysa walaaleenta Mujtamaca Soomaaliyeed hay,adaa oo lagu daahfuray xaflad balaaran Maalintii Jimcada Casarkii ka dib 26/01/2018 oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxdii loo doortay hay,adaa, waxaa kaloo goob joog ahaa qaar ka mid ah madaxda Jubbalaan oo uu u horeeyay Madaxwayne kuxigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid oo daahfuray Hay,adda walaaleenta Mujtamaca Soomaaliyeed.

20. Waxaa kulan gaar ah ay la qaateen Culimada qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada gaar ahaan kuwooda mutacalamiinta ah, ayadoo culimada ay booqdeen maktabadda guud ee Kismaayo oo ay fureen dhalinyartaa isku tagtay, Culimada waxay siiyeen dhalinyarada towjiih ku haboon wacyigooda iyo waxqabadkooda

23. Culimada soo booqatay magaalada Kismaayo oo qaarkood ku sugnaa ku dhawaad
Labaatan casho, qaarna ku sugnaa 7 casho ayadoo qaar kalena ku sugnaa 10 casho ayaa dhamaantood si nabadgalya ah ugu laabtay halkay ka imaadeen ka dib markii ay guteen waajibaadkii ay isa saareen oo ahaa nashaad gelinta dacwada Kismaayo Abaabul iyo baraarujinba

Wabillahi Tawfiiq
Halgan.net
Kismaayyo

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online