Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Wakiilada Puntland.[Masawiro]

February 11, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadatashi ah la qaateen Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad iyo Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilada Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka hadlay ujeedada kulanka iyo kaalinta Golaha Wakiilada Puntland ay ku leeyihiin Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka. “Wasaaradda iyo Labada Guddi aragti mideysan ayay ka leeyihiin hawsha Qaran waxaanan dooneynaa in aragtideena aan la wadaagno dhamaan Dawlad Goboleedyada si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka, ujeedada kulankan wadatashiga ahna waa inaan Golaha Wakiilada Puntland aan la wadaagno tubta aan ku gaari lahayn dhameeystirka Dastuurka” ayuu yiri Avv Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda Dib-U-Eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan ayaa ballanqaaday in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkooda ka qaadan doonaan Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online