Wasiirka Amniga oo xaqiijiyey tirada Al-Shabaab caawa looga dilay Muqdisho

February 23, 2018 - Written by Editor

Wasiirka Amniga DFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howl-galkii caawa lagu soo afjarayey weerarada iyo qaraxyo ay qaadeen kooxda Al-Shabaab

Wasiirka Amniga ee DFS ayaa Xaqiijiyey in ciidanka ay ku guuleysteen in ay dilaan 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga DFS ayaa caawa la hadlay warbaahinta ay gacanta ku heyso DFS wuxuuna sheegay in ciidamada ay si fiican uga hortageen dhagar ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab iyaga oo rabay buu yiri in ay xasuuqaan shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Wasiirka Amniga DFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka DF ay sii wadi doonaan howlgallad ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab wuxuuna shacabka uga tacsiyeeyey dadkii wax ku noqday qaraxyada iyo weeraradii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

230,232 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>