Wasiirka Maaliyadda DFS oo daah furay mashruuc shaqo loogu abuurayo Dhalinyarada

February 13, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furay mashruuc ku saabsan shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dahfurka mashruucan oo ah mid looga tala galaay habka shaqo Abuurka looga sameyn karo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo kaalinta horumarinta Dalka islamrkaana laga qeyb qaato sidii Dalka looga fulin lahaa mashaariic wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xubno ka socday Dowladd Gobaleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Dhaxe iyo Gobalka Banaadir  ayaa si isku mid ah isugu raacay in muhiim ay tahay  in laga wadda qeyb qaato horumarka dalka iyo sidii kaalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed looga abuuri lahaa shaqo  si looga bad baadiyo tahriibka iyo  ku biirista kooxaha arggagixisada.

 

C/risaaq Mohamed Abukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Qaran oo ka hadlaay madasha dahfurka mashruucan shaqo Abuurka ayaa shegaay in xafiiska xisaabiyaha guud uu mar walibo diyaar u yahay ka shaqenta shaqo abuukar iyo howlaha guud ee lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi  ayaa shegay in muhiim ay tahay in mar walibo laga qeyb qaato shaqo abuurka Dhalinyaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Feraalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo Daahfuray mashruucan ayaa siweyn uga hadlay ujeedka mashruucani.

‘’Waxaa loo baahan yahay kordhinta wax soo saarka Dalka iyo shaqo abuurka loo sameeyo Dhalinyradda Soomaaliyeed,si ay ugu qeyb qataan hormarka iyo mustaqbalka dalka’’. Ayuu Yiri Wasiir Beyle.

—-Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online