Xaflad Xil Wareejin ah ee Mu,asasada Ummah oo ka dhacday magaalada Kismaayo (Masawiro)

February 8, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Mu,asasada Ummah oo ah Mu,asasa ka shaqeesa dacwada, tacliimta iyo horumarinta ayaa waxay yeelatay gudoomiye fulin oo cusub, Mu,asasada oo saldhigeedu yahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la aasaasay 2015kii bishii 08daad, waxaana gudoomiye fulin ka noqday xiligaa Sheekh Cabdirashiid Weli Ibraahim oo Maalintii Jimcada ahayd 02/02/2018 ku wareejiyay Sheekh Sulub Macalin qorane.

Xafladda xil kala wareejinta oo ka dhacday Hoteel Kismaayo waxaa ka soo qaybgalay dad farabadan oo kakala socday bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana halkaa ku soo bandhigay waxqabadkii Mu,asasada Maamulkii hore ee Mu,asasada oo uu u hadlay Sheekh Yuusuf Shilaabo oo ka mid ahaa golihii fulinta hore ee Mu,asasada.

Waxaa kaloo marti u ahaa Xafladdii xilwareejinta Mu,asasada oo hadal kooban oo dhiirin ah ka soo jeediyay Sheekh Cabdiwahaab Daarul Cilmi oo ka mid ah Ducaadda Soomaalida Ee Denmark kana mid ah Mas,uuliyiinta Mu,asasada EMA oo ka hawlgasha wadamada Yurub badankeeda.

Ugu danbaystii waxaa malafaatkii Mu,asasada ku kala wareegay gudoomiyihii hore Sheekh Cabdirashiid Weli iyo Gudoomiyaha Cusub Sheekh Sulub Macalin Qorane oo labadaba hadalo kookab ka jeediyay xafladda.

Mu,asasada Ummah ayaa ka mid ah Mu,asasaatka Hoos taga Jamaacada ictisaam Bil kitaab Wasunnah si gaar ahna waxay Mu,asasada u hoos tagtaa Mu,asasada Safaa ee ka hawlgasha Koofurta Soomaaliya waana faraca Mu,asasada Safaa ee gobolka Jubbada hoose.

Halgan.net
Kismaayo.

Leave a comment

*

Archives
February 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online