Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta Balli-khadar iyo Galgala.[Masawiro]

March 4, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo iskugu jira amni sugid iyo miino baaris ka waday waddooyinka isku xira deegaanada Balikhadar, Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee Buuraha Cal Madow ayaa waxay ku guulaysteen in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala miinooyin gaaraya 4 xabo oo ay ku aaseen ururka Al Shabaab ,miinooyinkaas oo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan ciidamada Puntland.

Dhanka kale, intii hawlgalladani socdeen waxay ciidanka PSF kulamo wacyi gelin ah la yeesheen dadka deegaanadaas, waxay na ciidamadu dadka deegaanka ku dhiirrigeliyeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo gacan siinta ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira cadowga ku soo duulay dhulkooda.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta ay bulshada ku xiriirto ayaa Taliska Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ku sheegeeb in ay sii  wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online