Dabley ku lebisan darayska ciidanka oo dhacay Gaarigii Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf

March 29, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa caawa salaadii cishe ka dib ay dablay hubaysan dhac u geystay gaarigii Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf oo ka mid culimada Soomaaliyeed ee ku nool Garoowe xili uu ku socday gaarigiisa. Sheekh.Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa xiliga laga dhacay gaariga waxaa ay dablaydii hubaysnay oo ku labisnaa darayska cidanka waxaa ay ku rideen rasaas fara badan waxan ay gariga kaga qaateen qori caaradiis iyagoona Khalkhal geliyey dadka shacabka ah ee marayey jidka iyo weliba dadkii deganaa xaafaddah u dhow goobta gaariga loga dhacay Sh Maxamuud Xaaji Yusuf.

Sh Maxamuud Xaaji Yusuf ma gaarin wax dhibaato ah Alle mahadiis waxaan dablaydii hubaysnayd ee gaariga ka dhacday u suurto gashay in ay la baxsadeen gaariga Sheekha.

Gaariga Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf noociisu waa Landcruiser (Layla) moodalkeedu yahay 1994, midabkeeduna yahay qalin, taarikaduna tahay SA 647,Haddaba ciddii xog ka hesha gaarigaas sheekha laga dhacay warkiisa ha u soo gidbiyeen laamaha amniga ee ugu dhow ee degmada Garoowe ama ha kalaa soo xiriiraan Sh Maxamuud Xaaji Yusuf Teleefankaan 0907794850.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online