Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka JFS oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.(Daawo)

March 10, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale .

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta waxaana khudbad ka jeediyey madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana uuna Madaxweynaha uga hadlay khudbadiisa.

Wada shaqaynta DFS iyo dowlad Goboleedyada dalka wuxuuna sheegay in ay meel fiican mareyso lana xaliyey khilaafka DFS iyo Maamulgobaleedyada . Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo dhawaan furmi doona wuxuuna sheegay in wadahadal lagu xalin doona .

Khudbada Madaxweyna DFS ayaa waxaa uu ka hadlay socdaal uu ku tagay Gobolada Mudug iyo Galgaduud wuxuuna sheegay in ay guul ku soo dhamaatay. Madaxweynaha DFS ayaa waxaa kale uu sheegay in lahir galin doono Mashaariicdii uu ka dhagax dhigay dhamaan gobalada dalka gaar ahaan Mudug ,Galgaduud iyo Bari.

Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in laga sifeyn doono gobalada dalka .

Ugu danbeyntii ayuu madaxweynaha DFS waxaa uu si adag uga hadlay heshiiska shirka DP World iyo Maamulka Somaaliland waxaana uu yiri “Ma jirto cid maalgashi dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ama ogolaansho ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.”

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka jeediyey Baarlamaanka JFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online