Kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo looga hadlay arimo Muhiima (Masawiro)

March 16, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay biyo la’aan ka jirta Degmada Afmadow iyo deegano kale oo katirsan Jubbaland waxaana golahu uu warbixin ka dhagaystay xubno katirsan Xukuumada oo maalmahii lasoo dhaafay loo xil saaray in qiimayn ay ku sameeyaan sidii gargaarka biyo dhaaminta loo dardar galin lahaa iyo amba qaadka qorshe waara oo aan mar danbe biyo yaraantu kusoo noqon deegaanadaas.

Xubnaha golaha Wasiiradu waxay bogaadiyeen gurmadka Xukuumada iyo Shacabku ay ka wadaan meelaha biyo la’aantu ay ka jirto iyadoo la isku raacay in kaalmo dheeri ah la gaarsiiyo meelaha dhibaataa ugu daran ay ka jirto.

Dhinaca kale waxaa golahu ay ka doodeen caqabado maalmahii lasoo dhaafay ka taagnaa dhulka Dowlada waxaana golahu uu meel mariyay in dhamaan dhulka dhisan iyo midka banaan ee Dowlada ay yihiin lama taabtan cidii ku xad gudubtana sharciga la marsiinayo.

Dhamaan Dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee Jubbaland ayaa looga digay in aysan ku kadsoomin iibsashada iyo dhismaha ama deegaamaynta Xarumaha danta guud.

Dhinaca kale golahu wuxuu ku booriyay Wasaarada Maaliyada in ay sii dardar galiso hawlaha midaynta dakhliga Dowlada iyadoo Wasaaradu ay meel wanaagsan marinayso midaynta Canshuuraha dhamaan deeganada Jubbaland.

Qorshaha midaynta dakhliga Dowlada ayaa la gaarsiinayaa dhamaan deeganada iyo Degmooyinka xorta ah ee Jubbaland bilowga Sanadkan.

…….DHAMAAAAAD…..

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online