Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.[Masawiro]

March 4, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 04 March 2018 Waxaa uu kulan gaara xafiiskiisa kula qaatey Guddoomiye yaasha Gobolada Puntland. Kulankan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatey Guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane. Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaardda iyo Guddoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Guddoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan yahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xalaad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis, gobolada sida gaarka ah ay abaaruhu u saameeyeena ay ka mid yihiin Gobolada Sanaag, Hayland, Kar Kaar iyo qaybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Gudoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaash-macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

no images were found

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daarmey Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland iney fiira gaara u yeeshaan kana qeyb qaataan difaaca Puntland, dhinaca kalena Madxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Gobolka Gardfuu oo taarikhda markii ugu horeeysey la gaarsiiyey riigii ceel biyood ee ugu horeeyey tan iyo markii Soomaaliaya xornimada qaadatey1960.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online