Madaxweynaha DFS oo Kormeeray Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka (Masawiro)

March 14, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab, iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.

“In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba. Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda.”

Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay kaalintooda ka qaataan garab istaagga Ciidanka.

—–Dhamaaad—

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online