Madaxweynaha Puntland ayaa maanta kulan laqaatay Hay’adaha Ka Hawlgala Puntland.(Masawiro)

March 26, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa Maanta 26 March 2018 waxa uu shir gudoomiye kulan ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta Puntaland oo ka dhacay xarunta Wasaaradda maaliyada dawladda Puntland. kulankan maanta oo lagula xisaabtamayey Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ee ka hawlgala deeganada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kulankan ku wehelinayey, dhammaan wasaaradaha ay ka kooban tahay xukuumada Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawldda Puntland iyo qaar kamida ururada rayidka ah.

Kulankan oo Shir guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa mid-mid lagula xisaabtamey waxa ay qabteen sandkii la soo dhaafay 2017 iyo qorshaha sandakan 2018 Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawl gala deeganada Dawladda Puntland, iyadoo ayna Hay’ad waliba ka warbixisey wixii u qabsoomey sandkii la soo dhaafey iyo waxa u qorsheysan sanadka 2018.

Dhinca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey inay Dawladda Puntland Iyo Beesha caalamka ay ka wada dhaxeyso wadashaqeeyn wanaagsan, waxaana uu madaxweynuhu hadal kooban uu madasha ka jeediyey ku yiri sidan”

“Waxaan maraka hore u mahad celinayaa Wasaaradda Maaliyada oo nagu marti galisey xarunteeda, Beesha caalamka iyo Dawladda Puntland wadashaqeynta ka dhaxaysa aadbey u wanaagsantahay meel fiican bayna mareysaa waana kaga mahad naqeynaa wixii shaqa ah oo ay nala qabteen, inaga xukuumad ahaan hanoqoto Wasaaradda Qorsheynta ama hay’daha dawliga ah indinkaa la idinka rabaa inaad hagtaan barnaamijkan oo aad ku hagtaan waxa muhiimka u ah Dawldda Puntland, waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in Hay’adahan ay la yimaadaan barnaamij ayaga gaar u ah, barnaamij cidna aanay kala tashan kabacdina loola yimaado wasaaradaha, aniga ka xafiis ahaana marwalba idinma dul joogo cida la rabo inay hagto barnaamijka iyo waxa muhiimka noo ah waa idinka, waad la socotaan dadkan waxay jecelyihiin inay qaadaan wadadan dheer oo aysan xaga iyo xagaba uga dagin, cida larabo inay ku hagto baahideena dadkana u cadaalad sameeyaan waa idinka, waxaan rajeenayaa hada ka bacdi qaadataan booska idinku aadan hawshaas iyada ah ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amrey Hay’adaha caalimga ah iyo (NGO) iny bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka caashuur qaadida Dawladda Puntland, isla mar’ahaantaana aan cidna laga yeelayn inay cashuurta bixin waayaan.

–DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online