Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas oo Loo Sameeyey Garyaqaanka Guud ee Puntland.

March 23, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland garyaqaanka guud ee Dawladda Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ee DPl ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi  Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha  Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawladda Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo  dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna  ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteedayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.  

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online