Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti

March 20, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, marxuum Barkat Gourad Hamadou oo Raiisul Wasaare kasoo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1978-dii – 2001dii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumka, oo muddo 23 sano ah soo hayey xilkaas, uu dadaal dheer ku bixiyey horumarka iyo midnimada shacabka Jabuuti.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay kaalintii muhiimka ahayd ee marxuumku uu ka soo qaatay howlaha dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun . Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qeybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti inuu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida marxuum Barkat Gourad Hamadou.

DHAMMAAD

Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online