Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi

March 3, 2018 - Written by Editor

Kampala, 02 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal.

” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi .

Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.

Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Cabdifataax Awaare 
Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online