Madaxweyne JFS oo Hakiyay Mooshinkii Baarlamaanka ee la sugayey maanta

March 31, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta baaqday kulan ay mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku dhageysan lahaayeen mooshin kadhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ka dib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaanan khilaafka baarlamaanka si toos ah uga hadlin, hase yeeshee agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madaxweynaha uu baarlamaanka ka codsaday in la hakiyo kulanki maanta loo ballansanaa.

Arrintan ayaa timid kadib marki ay saacadihi ugu danbeeyay ee Jimcihi shalay, ay baaqyo isku mid ahi madaxda qaranka u soo direen qaar ka mid ah madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ah.

Waxay ugu baaqeen madaxda dowlada khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka lagu xaliyo hab waafaqsan dastuurka iyo xeerarka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaana laga hortago dib u dhac siyaasadeed oo kalifi kara qalalaaso.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay hadal ay soo saareen ku sheegay in ay Sabtida maanta ah billaabi doonaan dhageysiga mooshinka.

Halka xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkani ay ku adkeysteen in kulanka baalamaanka ay kaga hadli doonaan muranka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee Baladxaawo.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online