Md. Cawad: Mowshinku Wuxuu Xiriir La Leeyahay Go’aankii DP World (Dhageyso)

March 26, 2018 - Written by Editor

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari inuu xiriir la leeyahay sharcigii baarlamaanku ansixiyey ee mamnuucayey shirkadda DP World.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaannada taabacsan xukuumadda iyo kuwa difaacaya guddoomiyaha baarlamaanka.

Khadka telefoonka ee Muqdisho ayaa Haaruun Macruuf uu kula xiriiray guddoomiye xigeenka, Md. Cawad, waxaana uu weydiiyey in dhinacooda ay qorshaynayeen mooshin ka dhan ah xukuumadda?

hinaca kalena, waxaa noo suurtogashay inaan waraysanno mid ka mid ah xildhibaannada isla markaana ka tirsan golaha wasiirrada, Khadiijo Maxamed Diiriye. Jacfar Kuukaay ayey uga warrantay sida dhinacooda ay u arkaan mooshinka.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara haddii ay sii socoto xaaladan xilligan taagan? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uu hordhigay Prof. Liibaan Ciise oo ah madaxa daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online