Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo.[Masawiro]

March 15, 2018 - Written by Editor

Baydhabo:-Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyaga oo isugu yimid ka qaybgalka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo sedexdii bilba mar qabsooma.

Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka.
Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay.

“Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay.
Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online