Wafti ka socda safaaradda Sacuudiga ee wadanka Jabuuti oo gaaray Garoowe.[Masawiro]

March 10, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wafti ka socda safaaradda Sacuudiga ee wadanka Jabuuti oo uu ka mid yahay qunsul xigeenka iyo wakiilka Arrimaha Diinta ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waftigan oo marti u ahaa Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha diinta iyo dhaqacelinta Puntland ayaa socdaalkooda waxaa uu ku qotomay dhagax dhiga dhismaha kulyad lagu baranaayo cilmiga diiniga ah oo ilaa heer jaamacadeed gaarsiisan ayna ka wada faa’iidaysanayaan ragga iyo dumarka.

Kulan ay la qaateen madaxda Puntland oo uu horkacayay Wasiirka Cadaaladda ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada, ku xigeen kiisa iyo Xildhibaano ayay ka wada hadleen xiriirka dhanka arrimaha diinta iyo waxbarashada.

Waaiirka Cadaaladda Dowladda Puntland waxaa uu sheegay inay muhiim u tahay dhisamaha kulyadaan ayna wax badan ka badali doonto barashada Diinta. Wasaaradda Cadaaladda Puntland waxaa ka go’an mar walba horumarinta garsoorka iyo arrinaha Diinta oo ay wakiil oga tahay Dowladda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online