Wasiirka Cadaaladda Dowladda Puntland oo la kulmay Wafti ka socday safaaradda Norway.[Masawiro]

March 13, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Cadaaladda Dowladda Puntland oo ay weheliso Wasiirka Haweenka ayaa kulan la qaatay maanta wafti ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya. Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen hay’ado ay ka mid ahaayeen Save the Children, Care International iyo NCA ayaa waxaa looga hadlaayay ka hortaga tacadiyada haweenka iyo dhaqan gelinta xeerka kufsiga oo ay ka wada shaqeeyaan labada Wasaaradood.

Wasiirka Cadaaladda waxaa uu ka hadlay heerka ay puntland ka joogto tacaddiyada loo gaysto haweenka cid walba oo lagu helo danbiyadaasna la marsiiyo sharciga Wadanka qof ka sarreeyaana uu jirin.

“Wasaaradda Cadaaladda waxaa ka go’an mar walba dabagalka dhaqangelinta sharciyada ay samayso si aan u ilaalinno xuquuqda aadanaha ee dadwaynaha reer Puntland” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntalnd Saalax Xabiib Jaamac.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online