Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ku kulmay Muqdisho.[Masawiro]

March 5, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay mas’uuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameystirka Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”.

Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo mas’uuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballan qaaday in ay Wasaaradda kala shaqeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna bilow u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online