Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS oo ka Tacsiyeeyey Geerida Osman Abshir Cigaal

March 12, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Osman Abshir Egal Yay, Agaasimihii Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo habeennimadii Sabtida ahayd, kuna beegnayd March 10, 2018, ku geeriyooday Muqdisho.

Osman Abshir Egal Yay oo ka qalin jebiyay Kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Shevchenko ee Magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine, Waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka shaqa billaabay sanadkii 1971, isaga oo noqday sharci yaqaan ka howlgalayay Waaxda sharciyada iyo heshiisyada, kadib waxa uu noqday sarkaal hab maamuus.

Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal Yay, waxa uu ka mid ahaa saraakiil hab maamuus iyo Guddi farsamo oo loo xilsaarray qaban-qaabada shir madaxeedkii Ururkii Midnimada Afrika ee ku qabsoomay Muqdisho sanadkii 1974. Intii u dhexeysay 1976-1978 waxa uu noqday Siihaye ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda.

May 28, 2013 waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasimaha Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda. Marxuumku waxa uu muddooyinkii dambe ku howlanaa dardargelinta dadaalo diblomaasiyadeed oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonaysay in lagu soo siidaayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku kala xiran wadamada Saldanadda Cumaan iyo Iiraan.

Allah u naxariisto Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal waxa uu ifka kaga tagay hal xaas , sagaal caruur oo sideed ka mid ah ay yihiin wiilal.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Leave a comment

*

Archives
March 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online