Afhayeenkii Shuurada Xisbul Islaam Ismail Cadow oo caawa lagu dilay Muqdisho

April 15, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa caawa koox hubaysan ay ku dishay xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow oo 2 sano ee ugu danbeeyey ku noolaa magaalada Muqdisho, Sh Ismail Cadow ayaa ahaa garabkii Maxkamada islaamiga ee xarunta ka dhigtay magaalada Asmara waxaa ay aad iskugu dhawaayeen Sh Xasaan Daahir Aweys inta uusan ku biirin Ururka Al-shabaab.

Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow ayaa waxaa uu ahaa ragga fara ku tiriska ah ee aan ku biirin ururka Al-shabaab ka dib markii Madaxda ururka Xisbul Islaam ay ku bireen ururka Al-shabaab waxaa uu ahaa Madaxdii ururka Xisbul Islaam ee uu dagaalka ku qabsaday Kismaayo xili ay doonayeen in ay qaboojiyaan dagaalkii dhex maray Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariistee Sh Ismail Cadow ayaa waxaa Khadiib iyo Imaamba ka ahaa maalmihii danbe masjidkii Muuse Boqor, dilka Sh Ismail Cadow ayaa dhacay ka dib markii gaari uu watay uu dhigtay Geerisk ka dibna uu u soo lugeeyey Xaafadiis ayaa dhagarqabayaal dileen ka dibna ay goobta ka baxsadeen. Sh Ismail Cadow ayaa waxaa kale oo salaadii Makhrib uu dadka ku tujiyey Hotel Ramadaan

Wixii ka soo kordha dilka Afhayeenka shuurada Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow dib Ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online